Ajenda (da-ha) xusuusqor 2.arrimaha fadhi lagaga hadlayo oo
si taxan u qoran.
Ajeyn (ta) Ajo ka dhigid, xumayn, qasid.
Aji (ga) dhalad ah, gob, xor.
2.Soomaali
Ajli(ga)Sabab,daraad.
Ajnebi (ga) tol kale ah, shisheeye.
Ajo(da)biyaha meel ku raaga oo cagaarka noqda iyo
cagaarka ay bixiyo laftiisa.
Ajood(ka)ka
joogsasho,isu quurid la’aan,ka xishood.
Akademiye(ha)Urur ama maamul ka
kooban dad wax yaqaan, oo dantooda tahay inay kor u qaadaan aqoonta
dhaqanka,suugaanta,falsamida,fanka, iyo cilmiga
2,Dugsiga sare ee wax yaalaha gaarka ah lagu barto,sida
carbiska iyo tababarka iyo taba barka ciidamada,muusikada,farshaxanimada, ama
akademida.
Akeekamid (da)Hadal akeekan ah, ku hadlid,muran.
Akeekan (ka)muran,cilaaq,jactad.
Akhdar (ka)Midabka caleemaha qoyan,cagaar.
Akhirid (da) wax goortaas la qaban lahaa oo dib looga
dhigid.
Akhriyid (da) Erey ama hadal qoran kicin, ku
dhawaaqid,naqid,marin.
Akidid (da)talo,arrin,cid ku raacid,adkayn,xoojin, tiirin.
Alaab (ta) qalabka wax lagu qabsado.alaabo.
Alaakoodin(ta)1 sababid,suubaan,salaaxid,maaweelin
2.cayaar,luuqin,alalaasid.
Alaal (ka) Aan meesha uusan aqoon iyo dadka uusan
aqoon ka qaloon,qof galgal badan oo dhiiran.
Alaalabbaq(a)biqid aan aqoon ku dhisnayn,baqdin qalo
keento,malabbaq.
Alab(ka)ged,caado,falaad,shani.
Alalad(ka)riyo,dhadhab,qaraw.
Alalaxi(da)bal dixri yar ah oo kaadi dhiigga ku
wacan.
Albaab (ka) dhis laga sameeyay qori, bir, kd,.oo
marinka irridaha iyo wixii la mid ah faseexado lagula qabto oo la xiro, oo la
furo.
Alcood (ka) bad, jaadadka shiraaca kan ugu weyn.
Aleeeggad(ka) Heesid
Aleel (sha) Bocoosha iyo tamaanka jaad ka mid ah oo
waa weyn, bocool, tammaan, laji, cangaleed
Aleelayn (ta) Aleel ku samayn, qurxin darteed.
Alif(ka)magaca xuruufta,Alifta, 2.A-da carabiga.
Alifba (da) xuruuf af lagu qoro oo ka kooban shibane
iyo shaqalo,alif
Alkun(ka)wax aan hor u jirin oo la abuuro, abuur,uun.
2.(ka,ta)labada inay is guursadaan isu doonan,waxay isu
yihiin.
Allaale: kasta, walba, Alla (sida qof allaale qofkii)
Allabbari; Eebe wax-ka Bari
Ilaah bari, Rabbi
bari, Eebe tuug.duceysi.
Alle:(ha) Eebe,Ilaah,Allah
Alool (ka) jaad dadabka aqalka ka mid ah oo laga sameeyo
geed
Duur, la yiraahdo ulihiisa,oo inta la sayo,jil lagu mariino,oo
badanaa qolalka lagu kala ilaxiro.
Aloosid (da) qaanqaamin,Abaabulid,kicin
Alwaax (a-da)qoryo xalxaleef alga dhigo oo wax lagu
dhiso,looxyo.
Ama: Erey isku xira labo hadal ama labo tixood,,isla
kolkaasna kala xiriirfura oo sheega inaan la isku heli hayn,tii la helo ay ii
kale meesha ka saarayso,
(Aniga ama adiga,wax I sii ama I qadi )
Amaah: xoolo qof qofka doono,oo haysto,oo goor lagu
balamay kaddib,kii horoo laga lahaa uu u cesho.
Amaahasho (da) Amaah qaadasho,
Amaahin (ta) Amaah siin.
Amaamuud(ka) alkun,unug,abuur,curis
Amaamudid:ka Alkumid,unkid,abuurid,curin.
Amakaag (ga)yaab,irkid ama amankaag
Amakaagid; yaabid,irkigid,ama amaakaagid.
Amar: Arrin,xaal,talo, fariin.
Amar ku taaglayn: xukun ama talis amarkaatagle
ah,dhaqan gelin.
Amar ku taagle (ha) karti iyo awood la leyahay ama la
marooqsaday,oo si xun oo aan xaq ahayn,loogu dhaqmo,jaa’irinimo
Amarti (da) isla wayni,kibir
Amley (da) Abley /toreey.
Ammaan: 1(-0)(-ka) a) nabad, nabadgalyo, badbaado,
colaad, la’aan. B) kuruska geel meel ka mid ah oo cayriinka lagu cuno.
2.ereyo loo bago oo kulul oo wanaagsan,faan, b) xoolo
madaxda lagu muneeyo,sedo.
Amaanid (da)haddal ammaan ah ku dhihid,faaniin.
Ammaano(da) Xoolo ana wax kale oo in laysu hayo
laysugu dhiibto,ereg,ergiso.
Ammiir (ka) taliye, madax, beeldaaje,ammaanduule, ama
(amiir)
Ammin (ka, ta)Goor,had,waqti.
Amminka hadda, eega, ama (imminka)
Amminla (da) xilliyadda sanaddu u qaybsan tahay
midkood.
2,diraacda qaarkeeda danbe 3.Roob-Garas
Ammuur (ta) talo, arrin, xaal.
Amni (ga) Nabad, badbaado, nabadiino.
Amran _ karaamaysan, calman
Amrid (da) wax farid
Ana- haddan wax kale jirin, haday u yaraato, xataa.
Anaakici: (da) anaa kici col yar oo si gaar ah u
laylyan oo cadowga lala dagaallama hayo dhulkuusa lagu sii dhex daayo, wuxuu ka
kooban yahay, dad aan ka khasbine,iyagu raali ka yihiin.
Anbabbax (a) socdaal biloowgiisa,
2-.hawlahha scodaalku u baahan yahay dhamaystirkooda
dhexgeliddooda.
Anbabbaxid (da)
socdaal bilaabid.
Anbabbixin (ta) wax lagu socdaalo bixin 2,sagootiyid.
Anbaqaadid(da) meel ka qaadid, ka bilaabid,ka
wadid.
Anbasho(da) jid ama meel ka habaabid
Dhumid,lumid,anbad.
Anbin (ta) jid ama meel ka habaabid, dhumin,
lumin.
Anbo: meel, Kob.
Andaqaad:(ka)
Arrin lagu heshiiyay wixii xil ka yimid ama eedii ka timaadda la qaato.eedqaadid.xil
xanbaar,
Shaf u tun, u qoolnaan.
Aneexo:(-da) Geed dhirta yaryar ka mid ah oo
bixiya miro arorro lah oo ceeriinka iyo bisaylkaba lagu cuno.
Anfac:(-a) waxa la cuno waxtarka ama dheefta
lagu helo,anfaco,waxtar.
Anguugyo:(da) Uurkutaalo, guhaad,ama (anguubyo)
Ani ( -ga) aniga,aan,I,ii. Qofka hadla haya ama wax
qora haya.
Annaga ( innaga,aannu,na,noo) dadka hadla haya ama
waxqora,oo aan qofka lala hadlaya hayo ku jirin.
Ansaar:(ta) Muslinkii hore oo reer madiina oo nebi
maxamed iyo Muhaajiriinta soo dhaweeyay.
Oo taageero wayn u fidiyay.
Ansac(a) bad,riixid,durkin.
Ansax(a) wax sharci ah waafaqsan,sharci ahaan loo
ogolaan karo, aan ahayn wax la duri karo ama la burin karo.
Picture of aqalo
Anshax (a) Xeerarka dhaqanwanaaga iyo bulshannimada,
edeb, xishood, asluub, xarrago, hufnaan.
Ama (Anshi)
Anshaxxumo (-da) Anshaxdarro.
Anshi (-ga) dhaqan wanaag, anshax.
Asluub.
Ansixid (-da) Ansax, noqosho.
Ansixin (ta) Ansax ka dhigid.
Antaro (da) xad, sare, soohdin.
Antarradhaaf(-ka) xadgudub
Antaradhaafid(-da) xad gudub
Aq (-da) dhadhamo iyo dhuuni la’aan, dhanqasho,
janqasho, anqasho
Aqab (-ka) geedaha waawayn oo qodaxda iyo abqada leh
jaad ka mid ah.
Qurac.
Aqal (ka) dhis dadku dhexdiisa dego oo ku noolaado
guri, hooy, min,ama minan.
Aqasho (-da) Aq u dhimasho.
Aqbalid:(da) wax lays faray ama laysu soo jeediyey
aggolaansho.yeelid.
Aqool.(-sha)wax dad badan ka dhexeeya(cunno,kd) kala agaasin
iyo qayb wanaagooda, 2.gooraha wax la cuno middood,3,sooryo,qorshe,4. wadid
meelgeyn,
Aqoolid-(-da)wax la wadaago qaybin,kala
agaasimid,soorid,qorshayn.
Aqoon (-ta) wax qof bartay oo ogaadey, garasho,
cilmi, and kasmo.
Aqoonni:(da, ga) qof aqoon loo leeyahay, la yaqaan
indho garad,
Ama aqoonin.
Aqoonsad (-da) aqoon u yeelasho, barasho,garsho.
Araanjo (da) Geed abaareed leh Miro jilacsan oo
kankoonsan oo diir adag oo midabkoodu yahay cillaan guduud.
Araarayn (ta) labo qolo oo dagaalamaya kala joojin,
dagaal joojin.
Arrabikhi :(da) galay
Arad:(da) Naag la qabo, oori, afo, maranti.
Arag (da)
howsha xubnuhu indhuhu qabtaan.aragti.
Aragti (da) arag, fiiro.
Arah (da) socdaal meel loo aado in la soo gurto Miro
iyo waxyaalo kaloo la cuno ama wax lagu sameeysto,
Arami (da, ga) Lahan qarsoon oo cudur reebay
Aranjaato(da) Cabitaan laga sameeyay biyo sokor iyo
lisaraanjo ama (aranjaata)
Arar (ta) Golgoldhiga doodda, hadalka qoran, (buugag,
kd) 2- daaqa laga soo daajiyo xoolaha intaan ceelka la geyn oo biyaha la siin
3-hareer, agagaar.
Ararasho (da) Hadalka, doodda, buugaga, kd, arar ka
hor marsasho, gogoldhigasho.
Araxda: (da) xubin lafdhabarta ka mid ah oo dhawr
ricirood iyo hilibkooda ka kooban.
Arbaca(da)maalinta afaraad oo todobaadka,maalinta
talaadada iyo khamiista u dhaxaysa.
Arbe:(ha) maroodiga wayn oo lab oo raxanta hor kaca, araye,
2.shabeel lab
Arbush (ka) Wareer,rabsho.
Arbushan_ Wareersan,rabshaysan.
Ardaa (ga) dhul banaan oo guryaha ka horeeya oo darbi
ama teed ku wareegsan yahay,meel dugaal laga dhigo oo kor ka furan oo la
fariisto ama la seexdo ama dano kale lagu qabsado.
Ardaagal (ka) Ardaa qurux badan oo loo dhiso nin ama qolo
gabadhdoon iyo xididtooyo u timaada:dabagal,riddingal.
Ardaal : qof aan wanaagsanayn,nacas,dabbaal(ama
ardal)
Ardaalnimo(da) Ardaal ahaansho.
Arday(ga) wiil dugsi wax ka dhigta.
Ardiyid : (da)canshuurta dhulka laga qaado
Ardo(da) in dugsi wax ka wada dhigata oo isku
duuban:ard’ay,dugsiley.
Areebo (da) Naag aan gaari ahayn, basari, goonbaar.
Argaggax (a) Cabsi wayn oo kedo ah lala gariiro.
Argagaxsan :
la argagaxiyay,cabsi wayn oo kedo la galiyey.