Abid(abid) ama “abad”
“abid”
Abjed(ka)Qobtol
Ablaawe: qof aan ab lahayn,aan taariiqdiisa la aqoon.
Abley (da) Qalab bir ka samaysan oo ragu dhexda ku
xirto oo ku dagaalamo,tooreey,billaawe Ama “Amley”
Ab’ogaa:(ga)Dad dalka gudihiisa degganaa,aan gadaal
ka imaad ahayn,waddani(iyo abaari keentay)
Aboodi (ga)haadka jaad ka mid ah oo wayn oo afka iyo
lugaha iyo baalasha dhinacyadooda
guduudan.
Aboor (ka) cayayaan beelo beelo u dega oo
dudumooyinka sameeya.
Abooto(da)hooyadaa hooyadeed ama
abahaa,mocoowo,ayeeyo,2.fil wayn
Abooto idabbadis(ta) ayeeyo lug dheer.
Abqo (da) quraca iyo maraaga iyo geedaha la mid ah
mirohooda (iniino badan oo yaryar oo ku gudajira galgal dherdheer oo laba
qalbac oo kulkeey ingagaan furma)geydhe,mergiyaale.
Abraar(ka)Soo bood<meel dad badan ama dhir badan
xoog ku marid.jibaax,majiir.
Abooto Idabadis (picture)
Abraarid(da) jibaaxid,majiirid,
Abris(ka) halaqa waa baayada leh jaad ka mid ah
2.halaqa duqoobay
Absaxan (ta) waalid, Isir.
Abshir (ta) Labo talo tan wanaagsan,tawfiiq 2-hadal
Bishaaro ah.
Abti (ga)Hooyadaa walaalkeed.
Abtirsasho(da)Aabbeyaal iyo awoowayaal badan magac
yadooda isku xiga sheegasho.
Abtirsiino(da) Abtirsi(ama abtirsiimo)
Abur xoor,Xunbo
Abuu maqas(ka)iskaanbe.
Abuur (ka) wax aan horay u jirin uumis, alkun,
b,
Geed u baxahaya,docda uu lafta ama iniinta ku lee yahay, oo
kolka la beero korta oo geed hor leg oo cusub noqda.laf ama iniin ama cad kasta
oo geed hor leh noqon karta,firi.
Howsha la qabto kolka beerta abburka lagu rida hayo,2,sida
loo uumay(farsamo,hab,qab)baxaali
Abuurcas(ka,ta) meseggada jaad ka mid ah oo midabkeedu cas yahay.
Abuurid(da) waxa aan horay u jirin
uumid,curin,alkumid,jirsiin.dhalin,
ahaysiin.
Abuuris (ta)Uumis,jirsiin,dhalin,curis.
Abwaan (ka) qof laamo badan
oo cilmi aqoon wayn ku leh ama u leh siiba dhaqanka iyo ilbaxa
tolka,waaya arag,wax yaqaan,buuni,
2.buug ama buugag laamaha aqoontoo
dhami ku urursan yihiin.
Abwaanimo(da) Abwaan ahaansho,aqoon,tan abwaan u
eg,lahaansho.
Abxad(da) Yaab iska garasho,yaabid,irkigid,ama
kaagid,
Ashqararaarid.
Abyan: garasho ama dareen, wax silan ama lala yaab,ay dhaliyeen,
yaab,irkig,amakaag,ashqaraar./
Abaadi(da) Geed sal wayn iyo laamo yar yar leh oo
buruqdiisa biyo badan yahay.
Adaar biciid:nagaar aan qodax lahayn oo ka baxa
balliyada iyo togogga,wuxuu lee yahay,miro,kuwa bunka u eg,dhirta dawadana waa
ka mid.
Adab(ta)kolay yar oo wax lagu gurto.
Adag : Aan jilicsanayn,kakan
Adar:Dheri wayn,2.Qoolley.
Adayg(ga) Aan Jileec ahayn,qalayf.
Addeecid(da) Wax la Is faray yeelid,u
hogaasimid,okobanaansho.
Addimid (da) Aadaanka Salaada ku dhawaaqid.
Addimid(da) Aadaanka Salaada ku dhawaaqid.
Addin (ka)lugaha iyo jeenyaha iyo gacmaha
midkood,2.Ereyo yar oo lagu dheraysto oo dadka tukashada loogu yeeero (ama
aandaan)
Addoon: (ka,ta) qof la leeyahay,bide,biddad.
Addoonimo(da) Addoon ahaasho.
Addoonsasho(da) Addoon ka dhigasho.
Addoonsi(ga)Addonsad.
Adduun(ka) Dhulka iyo waxa dagan,ifka lagu nool
yahay,duni.
2.Maal,xoolo,hanti,Adduuniyo
Adduunyo(da)duni,Maal,xoolo,hanti.
Adeeg (ga)hawl,qabad.
Adeegsasho(da)how qabsasho,isu adeegid.
Adeege(ha)Hawl qabte,xoojiye,midiidin.
Adeegid(da) how cid u qabasho,
Adeegsasho(da)hawl cid ku qabsasho.
Adeer(ka) Aabahaa walaalkiis.
Adeeryo(da) goodirka dhedig.
Adi(ga)Adiga,aad,ku,kuu,
Qof lala hadlayo, ama wax loo qora hayo magacuyaalkiis.
Adiga(adi,aad,kuu,)qofka lala hadlayo, ama wax loo
qora hayo magacuyaalkiisa.
Adkaan(ta)jileecdaro,qalafsanaan,
kakanaan.
Adkaansho:(ha) Adayg noqosho.
2,xoog,badnaansho,libaysaho,
quulaysasho.
Adkayn(ta) hawl,ka dhigid.
Adkaysasho(da) hawl dhib ah,xanuun adkaysi u
lahaansho,dhabar adkaansho,duqaadasho.
Adkaysi:( ga)hawl dhibaato,xanuun,dhabar adayg u
lahaansho.
Dulqaad.
Adooga(addog) adoogaa,-giis,geed,kd) Aabe.
Adyad (da)
gardaro,maag.
Af: (ka)Xubinta
nafleydu cunnada ku cunto oo bushimaha
iyo carrabka iyo ilkuhu ku yalliin.2,Ereyada iyo ulajoodooyinkooda,hadal dhan
oo tol isku afgarto,
3.Dhinaca birtu wax
ka goyso.
Afaaf (ka) Meel furan, (xero, derbi, aqal) oo la galo
ama laga baxo, illin, kadin, irrid.
Afagaal(ka,sha)toddobad xidigood oo raqaha,waxay u
dhaxaysaa nuguushicad iyo naafacade
Afar (ta)Tirada seddexda iyo shanta u dhaxayso.
Afargees(ka,ta)Muug fidsan oo leh
Afargees oo toosan iyo afar dhinac oo is wada dherer leg.
Afarran(ka) Seddex kale oo badanaa la dhalay weheliso oo afar ku tahay.
Afarrey(da) Gabay yar,shanley.
2(.shax) afar iska soo horjeeda oo hogi u dhaxayso, oo ka
samaysan labo jare oo taaga. (isku dhici kara)
Afarsuule(ha)muruq afar suul ama afar madax leh,siiba
muruqa ku yaal bowdada dhinaceeda kore,oo kolka uu isku rooro lugtu kala baxdo
oo fidsanto,
Afartamaadan:(ka) tirada heerka afartanka ku abbaaran
40da ama Afartamaad, 2-xilli-roob oo hada ama qora, hadal qurux badan oo
dadka aad u saameeya.
Afti: (da) arin ama qaanuun in la oggolaado ama la
diido darteed dadaweynaha ama tolka loo bandhigo.farriin.
Aftin:(ta) 1 kobta banka iyo dhirtu dhinaca isafa
hayaan oo labada laga gaari karo,iran
2.meel dihin oo aan la daaqin.
Aftoolin(ta) meel halis ah oo aan gabaad
lahayn,cabsi,dhawr,goldaloosho,
Ama afdoolin.
Afuufan: Neef la galiyay,nafaysan,la afuufay, la buufiyay.
Afuufan: Neef la geliyey, neefaysan, la afuufay, la
buufiyey.
Afuufid(da) neef afka ka soo dayn,oo meel ama wax
kale ku toosin.
Afuufo(da) neef afka ama wax kale.laga sii daayo.
Afweyn: (da)Riciraha tunka tan ugu korraysa oo afka wayn.
Afxumo(da)Hadal xumo,cay,aflagaado,
Ama af xumo.
Afyaal
(ka)1 madax, horfiiq,
2 qof soo dhawaynta dadka u qaabilsan
oodafo,dhacan,horgalka tusbaxa.
Afyaqaan(ka) Af gaar ah yaqaan
2-cilmiga afafka aqoon u leh.
Af yar (ta) magac kalluun
Afyuun(ka) geed ubax la beero oo waxtar dawo iyo
dhibaato wayn labadaba leh. Oo dhulka kulul ka baxa,wuxuu lee yahay dhacaan
sida caanaha u cad ooo la engejiyay, oo loo shito,kartida ama maanka qofka
halis ayuu saaraa, haddaan deg deg la isaga qabanna waa lala doorsoomaa oo lala
dufoobaa ( sida xashiishka qaadka)
Ag (ta) Meel ku (ama u)dhow aan ka fogayn
Agaag(ga)dhowaan ama agaag
Agaagse
(ha) qof wax badan helay,hilib lacag, wax yar oo uu u gooyo kii aan wax
helin,ama laga qaado,xoolaha la soo dhaco, kd,waxa la baxsho,loog
Agaagsid(da)
Agaagse bixin
Agaalli(da) xiddigo,nuguushi.
Agaasiman : la agaasimay
Agaasime(ha) Nin wax agaasima 2.ninka ka madaxda ah
qaybaha taliska midood
Agaasimid (da) nin wax Maamulid,nidaamayn.
Agaasin(ka)
hab wanaagsan ama si wanaagsan wax loo maamulo ama loo dhaqaaleeyo,ama loo
arimiyo nidaam,maamul.
Agab: 1 wax tar ciirsi,Alaab
Agabbar(ka)layli,tababbar,jarayn,jebin.
Agagaar
(ka)
heer aan fogayn,dhinacyada ama agagaar.
Agan (ka) ceel biyo badan
leh,banqi
2,cosob ama naq badan,aftin.
Agas (ka) cuno la raacsho qofka dhinto oo xabaasha agteeda
lagu cuno.qori qaad.
Aglool
(ka-sha) Habka weelka xoolayna
Hayo,gocoyonnida looga ba’sho,asal,dufan,kd layka karshey
baa lagu rogrogaa,
Wax la dhisa hayo ama la samayna hayo,qaabintiisa iyo
jaangooyadiisa hore,bilaw,unug, 3. Aqal KD la dhisi doono, astaanti iyo
muuqaalki warqad KD ku muujin.
Agloolid (da) weel agloolid ku xoolayn 2,wax la
samaynayo ama la dhisayo,jaan gooyo hore ama qaab hore u
yeelid.bilaabid,unkid,warqad ku muujin.
Agool (ka) 1 holobta timaha salkooda ka dhalata,Astayn.calaamayn.
Agoon(ka) Ilamaha aan abbihiis noolayn.
Agoonimo(da) Agoon ahaan
Ahaan(ta) Noqod,ku sugnaan.
Ahaansho(ha) noqosho,si kd ku sugnaansho
Ahaysiin (ta) wax aan jirin, wax jirta ka dhigid,
abuurid, uumid, 2.dhab ama run ka dhigid, 3 si ama wax ka dhigid,ka yeelid
Ahmin (ka) ishkinka iyo ariga shilis, jar ama ahmi
Ahmiyad(da)u
jeedo ama saamayn wayn
Ajal(sha) waqti dhamaadkii
2.waqtiga dhimashada
Ajalid(da) waqti dib u dhigid,
2 geeri ku keenid,dilid.
Ajar (ka)() samo fal abaalgudkiis xagga ilaahay laga
helo.
2. Ajarid
Ajarid (da) dhib gaarsiin,wax yeelid,dhagrid,dagid.
No comments:
Post a Comment