Friday, August 2, 2013

(Qaamuuska)Ajenda (da-ha)Argagaxsan

Ajenda (da-ha) xusuusqor 2.arrimaha fadhi lagaga hadlayo oo si taxan u qoran.
Ajeyn (ta) Ajo ka dhigid, xumayn, qasid.
Aji (ga) dhalad ah, gob, xor.
2.Soomaali
Ajli(ga)Sabab,daraad.
Ajnebi (ga) tol kale ah, shisheeye.
Ajo(da)biyaha meel ku raaga oo cagaarka noqda iyo cagaarka ay bixiyo laftiisa.
Ajood(ka)ka joogsasho,isu quurid la’aan,ka xishood.
Akademiye(ha)Urur ama maamul ka kooban dad wax yaqaan, oo dantooda tahay inay kor u qaadaan aqoonta dhaqanka,suugaanta,falsamida,fanka, iyo cilmiga
2,Dugsiga sare ee wax yaalaha gaarka ah lagu barto,sida carbiska iyo tababarka iyo taba barka ciidamada,muusikada,farshaxanimada, ama akademida.
Akeekamid (da)Hadal akeekan ah, ku hadlid,muran.
Akeekan (ka)muran,cilaaq,jactad.
Akhdar (ka)Midabka caleemaha qoyan,cagaar.
Akhirid (da) wax goortaas la qaban lahaa oo dib looga dhigid.
Akhriyid (da) Erey ama hadal qoran kicin, ku dhawaaqid,naqid,marin.
Akidid (da)talo,arrin,cid ku raacid,adkayn,xoojin, tiirin.
Alaab (ta) qalabka wax lagu qabsado.alaabo.
Alaakoodin(ta)1 sababid,suubaan,salaaxid,maaweelin
2.cayaar,luuqin,alalaasid.
Alaal (ka) Aan meesha uusan aqoon iyo dadka uusan aqoon ka qaloon,qof galgal badan oo dhiiran.
Alaalabbaq(a)biqid aan aqoon ku dhisnayn,baqdin qalo keento,malabbaq.
Alab(ka)ged,caado,falaad,shani.
Alalad(ka)riyo,dhadhab,qaraw.
Alalaxi(da)bal dixri yar ah oo kaadi dhiigga ku wacan.

Albaab (ka) dhis laga sameeyay qori, bir, kd,.oo marinka irridaha iyo wixii la mid ah faseexado lagula qabto oo la xiro, oo la furo.
Alcood (ka) bad, jaadadka shiraaca kan ugu weyn.
Aleeeggad(ka) Heesid
Aleel (sha) Bocoosha iyo tamaanka jaad ka mid ah oo waa weyn, bocool, tammaan, laji, cangaleed
Aleelayn (ta) Aleel ku samayn, qurxin darteed.
Alif(ka)magaca xuruufta,Alifta, 2.A-da carabiga.
Alifba (da) xuruuf af lagu qoro oo ka kooban shibane iyo shaqalo,alif
Alkun(ka)wax aan hor u jirin oo la abuuro, abuur,uun.
2.(ka,ta)labada inay is guursadaan isu doonan,waxay isu yihiin.
Allaale: kasta, walba, Alla (sida qof allaale qofkii)
Allabbari; Eebe wax-ka Bari
 Ilaah bari, Rabbi bari, Eebe tuug.duceysi.
Alle:(ha) Eebe,Ilaah,Allah
Alool (ka) jaad dadabka aqalka ka mid ah oo laga sameeyo geed
Duur, la yiraahdo ulihiisa,oo inta la sayo,jil lagu mariino,oo badanaa qolalka lagu kala ilaxiro.
Aloosid (da) qaanqaamin,Abaabulid,kicin
Alwaax (a-da)qoryo xalxaleef alga dhigo oo wax lagu dhiso,looxyo.
Ama: Erey isku xira labo hadal ama labo tixood,,isla kolkaasna kala xiriirfura oo sheega inaan la isku heli hayn,tii la helo ay ii kale meesha ka saarayso,
(Aniga ama adiga,wax I sii ama I qadi )
Amaah: xoolo qof qofka doono,oo haysto,oo goor lagu balamay kaddib,kii horoo laga lahaa uu u cesho.
Amaahasho (da) Amaah qaadasho,
Amaahin (ta) Amaah siin.
Amaamuud(ka) alkun,unug,abuur,curis
Amaamudid:ka Alkumid,unkid,abuurid,curin.
Amakaag (ga)yaab,irkid ama amankaag
Amakaagid; yaabid,irkigid,ama amaakaagid.
Amar: Arrin,xaal,talo, fariin.
Amar ku taaglayn: xukun ama talis amarkaatagle ah,dhaqan gelin.
Amar ku taagle (ha) karti iyo awood la leyahay ama la marooqsaday,oo si xun oo aan xaq ahayn,loogu dhaqmo,jaa’irinimo
Amarti (da) isla wayni,kibir
Amley (da) Abley /toreey.
Ammaan: 1(-0)(-ka) a) nabad, nabadgalyo, badbaado, colaad, la’aan. B) kuruska geel meel ka mid ah oo cayriinka lagu cuno.
2.ereyo loo bago oo kulul oo wanaagsan,faan, b) xoolo madaxda lagu muneeyo,sedo.
Amaanid (da)haddal ammaan ah ku dhihid,faaniin.
Ammaano(da) Xoolo ana wax kale oo in laysu hayo laysugu dhiibto,ereg,ergiso.
Ammiir (ka) taliye, madax, beeldaaje,ammaanduule, ama (amiir)
Ammin (ka, ta)Goor,had,waqti.
Amminka hadda, eega, ama (imminka)
Amminla (da) xilliyadda sanaddu u qaybsan tahay midkood.
2,diraacda qaarkeeda danbe 3.Roob-Garas
Ammuur (ta) talo, arrin, xaal.
Amni (ga) Nabad, badbaado, nabadiino.
Amran _ karaamaysan, calman
Amrid (da) wax farid
Ana- haddan wax kale jirin, haday u yaraato, xataa.
Anaakici: (da) anaa kici col yar oo si gaar ah u laylyan oo cadowga lala dagaallama hayo dhulkuusa lagu sii dhex daayo, wuxuu ka kooban yahay, dad aan ka khasbine,iyagu raali ka yihiin.
Anbabbax (a) socdaal biloowgiisa,
2-.hawlahha scodaalku u baahan yahay dhamaystirkooda dhexgeliddooda.
Anbabbaxid  (da) socdaal bilaabid.
Anbabbixin (ta) wax lagu socdaalo bixin 2,sagootiyid.
Anbaqaadid(da) meel ka qaadid, ka bilaabid,ka wadid.
Anbasho(da) jid ama meel ka habaabid
Dhumid,lumid,anbad.
Anbin (ta) jid ama meel ka habaabid, dhumin, lumin.
Anbo: meel, Kob.
Andaqaad:(ka) Arrin lagu heshiiyay wixii xil ka yimid ama eedii ka timaadda la qaato.eedqaadid.xil xanbaar,
Shaf u tun, u qoolnaan.
Aneexo:(-da) Geed dhirta yaryar ka mid ah oo bixiya miro arorro lah oo ceeriinka iyo bisaylkaba lagu cuno.
Anfac:(-a) waxa la cuno waxtarka ama dheefta lagu helo,anfaco,waxtar.
Anguugyo:(da) Uurkutaalo, guhaad,ama (anguubyo)
Ani ( -ga) aniga,aan,I,ii. Qofka hadla haya ama wax qora haya.
Annaga ( innaga,aannu,na,noo) dadka hadla haya ama waxqora,oo aan qofka lala hadlaya hayo ku jirin.
Ansaar:(ta) Muslinkii hore oo reer madiina oo nebi maxamed iyo Muhaajiriinta soo dhaweeyay.
Oo taageero wayn u fidiyay.
Ansac(a) bad,riixid,durkin.
Ansax(a) wax sharci ah waafaqsan,sharci ahaan loo ogolaan karo, aan ahayn wax la duri karo ama la burin karo.

Picture of aqalo

Anshax (a) Xeerarka dhaqanwanaaga iyo bulshannimada, edeb, xishood, asluub, xarrago, hufnaan.
Ama (Anshi)
Anshaxxumo (-da) Anshaxdarro.

Anshi (-ga) dhaqan wanaag, anshax.
Asluub.
Ansixid (-da) Ansax, noqosho.
Ansixin (ta) Ansax ka dhigid.
Antaro (da) xad, sare, soohdin.
Antarradhaaf(-ka) xadgudub
Antaradhaafid(-da) xad gudub
Aq (-da) dhadhamo iyo dhuuni la’aan, dhanqasho, janqasho, anqasho
Aqab (-ka) geedaha waawayn oo qodaxda iyo abqada leh jaad ka mid ah.
Qurac.
Aqal (ka) dhis dadku dhexdiisa dego oo ku noolaado guri, hooy, min,ama  minan.
Aqasho (-da) Aq u dhimasho.
Aqbalid:(da) wax lays faray ama laysu soo jeediyey aggolaansho.yeelid.
Aqool.(-sha)wax dad badan ka dhexeeya(cunno,kd) kala agaasin iyo qayb wanaagooda, 2.gooraha wax la cuno middood,3,sooryo,qorshe,4. wadid meelgeyn,
Aqoolid-(-da)wax la wadaago qaybin,kala agaasimid,soorid,qorshayn.
Aqoon (-ta) wax qof bartay oo ogaadey, garasho, cilmi, and kasmo.
Aqoonni:(da, ga) qof aqoon loo leeyahay, la yaqaan indho garad,
Ama aqoonin.
Aqoonsad (-da) aqoon u yeelasho, barasho,garsho.
Araanjo (da) Geed abaareed leh Miro jilacsan oo kankoonsan oo diir adag oo midabkoodu yahay cillaan guduud.
Araarayn (ta) labo qolo oo dagaalamaya kala joojin, dagaal joojin.
Arrabikhi :(da) galay
Arad:(da) Naag la qabo, oori, afo, maranti.
Arag  (da) howsha xubnuhu indhuhu qabtaan.aragti.
Aragti (da) arag, fiiro.
Arah (da) socdaal meel loo aado in la soo gurto Miro iyo waxyaalo kaloo la cuno ama wax lagu sameeysto,
Arami (da, ga) Lahan qarsoon oo cudur reebay
Aranjaato(da) Cabitaan laga sameeyay biyo sokor iyo lisaraanjo ama (aranjaata)
Arar (ta) Golgoldhiga doodda, hadalka qoran, (buugag, kd) 2- daaqa laga soo daajiyo xoolaha intaan ceelka la geyn oo biyaha la siin 3-hareer, agagaar.
Ararasho (da) Hadalka, doodda, buugaga, kd, arar ka hor marsasho, gogoldhigasho.
Araxda: (da) xubin lafdhabarta ka mid ah oo dhawr ricirood iyo hilibkooda ka kooban.
Arbaca(da)maalinta afaraad oo todobaadka,maalinta talaadada iyo khamiista u dhaxaysa.
Arbe:(ha) maroodiga wayn oo lab oo raxanta hor kaca, araye, 2.shabeel lab
Arbush (ka) Wareer,rabsho.
Arbushan_ Wareersan,rabshaysan.
Ardaa (ga) dhul banaan oo guryaha ka horeeya oo darbi ama teed ku wareegsan yahay,meel dugaal laga dhigo oo kor ka furan oo la fariisto ama la seexdo ama dano kale lagu qabsado.
Ardaagal (ka) Ardaa qurux badan oo loo dhiso nin ama qolo gabadhdoon iyo xididtooyo u timaada:dabagal,riddingal.
Ardaal : qof aan wanaagsanayn,nacas,dabbaal(ama ardal)
Ardaalnimo(da) Ardaal ahaansho.
Arday(ga) wiil dugsi wax ka dhigta.
Ardiyid : (da)canshuurta dhulka laga qaado
Ardo(da) in dugsi wax ka wada dhigata oo isku duuban:ard’ay,dugsiley.
Areebo (da) Naag aan gaari ahayn, basari, goonbaar.
Argaggax (a) Cabsi wayn oo kedo ah lala gariiro.

Argagaxsan  : la argagaxiyay,cabsi wayn oo kedo la galiyey.

Qaamuus_Ajenda-Argagaxsan

Qaamuus Xarafka A-Abhin

A (a) xarafka koobaad ee elifka soomaalida.waa shaqal
-a naxwe qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo lixda shibena ku dhamaada
(c,h,kh,q,x hamzada magaca,daaha,jookha,maraq-a,madax-a,iyo go-a
Aa(a)xarafka (a) oo dheer
Aaabayeelid (da) u dan gelid,tixgelin
Aabayn (ta)tixgelin,aabo yeelid
2-(weel) xoolayn.
Aabe (ha) qof lab oo wax dhalay labada waalid Kan lab ah ama (Aabo)
Aabur- ka  weel afka ka  awda;dabool,fur
Aaburan: Aabur la saaray
la daboolay,furaysan
Aabburid(-da)weel dabool    saarid,daboolid
Aabi(-ga)Arrin aan jid ahayn oo cid              lagula kaco;gardarro,maag,daandaansi
Aabo(-ha)tixgelis:danayn
Aabayeel
Aad -dhab si daran 2.adigu
-aad – tiraab labo dabo karo tirada oo muujiya jagada tiradaasi ku abaaran tahay( seddex-aad 3d)shan-aad,5d sagaal-aad 9
Aadaan:  ereyo yar oo lagu dheeraysto oo dadka tukashada loogu yeero (addin)
Aadane-(ha) intii nebi Aadan dhalay ka mid ah, dad, qof.
Aaddan- ku abbaaran,toosan,eg, beegan.
Aaddanaan (ta)ku abaarnaan,toosnaan,ekaan, beegnaan.
Aadid(da) meel ku socosho tegid
Aafeyn: aafo gaarsiin
Aafo (da) dhibaato aad u weyn
Aagaan-(ka)furka aagaamaha iyo haamaha lagu daboolo.
2-haan yar
Aakhir (ka) kan danbe
Aakhiro (da) Meesha iyo nolosha danbe ee lagu noolaan doono,kolka aduunka laga tago
Aalaa: inta badan,badanaa,dhaaxa,qajeel
Aalad (-da) Alaabo wax lagu qabsado,qalab,hub
Aaladeyn: Aalad u yeelid,qalabayn,
   Qalabayn,qurxin,
-aale:  Erey ulajeeddadiisu dhow tahay”kasta”walba “alla”sida “had iyo goor aale”wax alla allaale
Aalkol (-ka)biyabbiyood aan midab oo baabi’I og,oo siyaalo badan loo soo saaro,waxna loogu qabsado ama “aalkolo”
Aalo (-da)qaalmaha yaryar oo lo’da

Aameel: (-ka) 1 haruub 2.wixii waxay arkaan iska raaca.
Aamiin: erey ducada dabadeeda la yiraahdo oo ula jeedadiisu tahay “ilaahow aqbal”
Aammin: 1 qof aan dhagar iyo laqdabo aqoon,daacad,lillahi 2,meel,kd.nabad ah,aan cabsi lahayn
Aamminid(da) kalsooni ku qabid rumaysasho,rumaysasho.
Aaminnimo(da) Aammin ahaansho,daacadnimo,lillaahinnimo.
Aamus: hadal la’aan, shib,
Aamusan :aan hadal lahayn shib ah.
Aammusnaan:hadlin la’aan,shib ahaan
Aan:Aniga,aan,I,ii anaga,inniga,aanu,na,noo,qofka hadlaya ama wax qora haya
Aanayn: Aano ku raadin ama darteed wax ku yeelid.
Aano(da) xumaan hore oo lays gaarsiiyay oo in laga aar guto uurka lagu hayo,gudub,utun,asaaye,aarsi,dakano
Aar (ka) libaax wayn oo lab ah,2.Aan baqin,geesi, 3. Aarsi
Aaran : qaalmaha yar yar oo geela,qaan,2.doog iyo barwaaqo
Aarbax(a)Eadbax
Aarbixid(da)Eed bixid
Aargudasho: (da) aarsasho,aarid,
Aargudid:(da)Aarid
Aarid (da)qof hor loo dilay darti,qof u dilid.aargudid.
Aarnimmo(da)Aar ahaansho,geesinimo
Aarsasho(da) Aargudasho,Aarid
Aarnimo (da)Aarnimo,geesinimo.
Aarsasho(da)Aargudasho
Aarsi(ga)Aargudad,aarsad.
Aas:(ka)xabaasha (dadka dhinta)iyo waxa ku saabsab,duug
2.Iftiinka midabyada leh oo qoraxdhaca,cirguduud,cilcillow
Aasan: la xabaalay, la duugay
Aashaa: aash Si miyir leh,iyo xasilooni ku jirto,aayar,tartiib
Ashuun(ka)weel biyah lagu shubo oo laga sameeyo  dhoobo,malbo,jalxad,shaaanbi,ballaas.
Aasid : xabaal ku ridid,duugid,xabaalid.
Aasnaan  (ta)wax la xabaalay ahaan
Aasmid : xabaalmid duugmid,
Aasnaan:wax la xabaal ahaan,xabaalnaan
Aaway? Xagee buu (ama “bay”) jiraa ama jirtaa, meeyay, meeday ama aaway.
Aawo:daraar,dar,aw
Aayad (da)suurad quraan,tixadda ay ka koobaan tahay,midiiba.2-wax aah horay loo arki oo yaab leh 3.mucjiso
Aayar: si deggan oo miyir leh,qun yar,tartiib,xasil.
Aayatiin(ka)wax tar aan durbaba dhalane.waa danbe,oo iyadda oo loo baahan yahay,wax tarkooda helid,ku tabkicid.
Aayo_(da)wa shedan tahay) Carruurta hooyadood mahee,oorida kale,oo Aabbahood qabo.
2.ha.waxtar waa danbe wax  laga dheefo,ciribdanbeed,aayatiin,meecaad,
liil danbe ama “aaye”
Ab (ka) Awoowayaashii hore oo laga soo jeeday isir,wasiir,walcan
Abaabulid(da)

Abaabulid :(da) Arrin isku duwid:hagaajin,qabanqaabin,dumid,(col)
Abaadid(da)ku ku daa’imid,ku waarid,ku ahaansho

Abaahi (ga)isu taga awrka iyo hasha
Abaahid(da)(awr)kudid
Abaaji(ga)Lumid waa danbe la tabo,tasow
Abaajiyid(da) Baadi wax badan sii maqnayd,iyadoo aan la tebin,tasoobid

Abaal(ka)Samalfal la isku galay,xusuusta wanaagsan iyo mahada la isku hayo,lib galad.

Abaaldhac(a)Abaal la isku falay been iyo asaaraarid ku gudid.
Abaaldhicid(da)Abaal la isku galay oo la asaraaro, la beeneeyo.
Abaalgud(ka)wanaag iyo samal fal laysku galay oo wanaag kale lagu gudo.
Abaal gudid(da)Abaalmarin,abaal celin.
Abaalhayn(ta)Samaan la isu falay,mahad iyo xusuus  wanaagsan u hayn.
Abaalmarin:(ta)Abaalkiis abaal leg marin,abaal gudid.
Abaar(ta)Roob la’aan,doog la’aan,jiilaal dheraaday.
Abaarayn(ta)Abaar ka dhegid.
Abaarikeentay:(da_ga)Dad aan dhulka u dhalan oo waa danbe dalaw ku yimid.gadaal ka imaad,kooyto,(ab’ogaa iyo)
Abaaroobid(da)Abaar noqosho.
Abab(da)Daaq barad(xoolo)
2.Dhallaanka yaryar waxbarsha doobo hore si cunno cunidda.sansaanka,habka,ku hayashada
ama (abaab)
Ababid(dad)yaraanta iyo korrimada hore,wax ku barasho.
Abad: kolna,marna,weli.
Abaqaal(ka)geed,dad) meel laga rujiyo oo meel kale lagu  abuuro,meel kale lagu koriyo,tallaal.
Abasax(a)geel…hasha kolka ay u baahan tahay owrka,sida ay tahay.
Abaydin(ta) caruur,canaaha ay hooyada ka nuugaan,ka gooyn.
2.caano aan kuwa hooyada ahayn,oo xoolaad,caruur siin oo ku korin.3.caruur lafteeda.
Abbaan (ka)Dad u taliya,madax, magan galin.
Abbaanduule (ha)col ama ciidan duulaan ah,kan u madaxa ah.colwade,maqaddin, ama amaanduule.
Abbaanwarre(ha)Labada isku dhaxa kan lab,say,nin.

Abbaar(ta)sida eg,tusmo,marin.addanaan
Abbaaraha: Goor aan la sugi karin,laakiin la soo  dhawaynayo.

Abbaaraha: Goor aan la sugi karin,lakiin la soo dhawayn karo,ku dhawaad,meelahaas,qiyaas.
Abbaaran:(ku)ku beegan,ku toosan,ku aadan,
Abbaarid(da)leexleexad la’aan, iyo toos u aadid(ku) ku toosin,ku duwid,ku aadin.
Abboowe (ha) Erey walaal u dhigan oo kuwa wada dhashay am xigto ah ama isjecel,isugu yeeraan.ama boowe.
Abeer(ka)Neef ishkin ah (geel, lo) oo dhegid ah oo guurtuu ku curan lahaa aan ku curan,qaalin wali dhalin galgaal.(lo)tabis,ari. Ama ameer.
Abeeso(da)jaadad  badan oo halaq ka mid ah qaarkood wabaayo leeyihiin,waxaa  jira qaar lugo leh.iyagana abeeso lagu magacaabo.
 Abeeso-lugaley(da)jaad halaqa ka mid ah oo qalajisadda waa wayn lagu tirsho oo afar adin  iyo dabo leh,maso lugaleey,riyonuug.

Abeesow (ga) Cudur oogada dadka ku dhaca oo haraga u ekaado haraga abeesada.
Abguri(da)jaadadka abeesado midkood,beey.
Abhin(ta) Qofka laga baqo hayo,ama wax la celina hayo,hadal sameeya oo uu ka baqo(sida: hadii uu Allahaa Alle yahay) kula hadlid.

(Qaamuus)Abid-Ajarid (da)

Abid(abid) ama “abad”  “abid”
Abjed(ka)Qobtol
Ablaawe: qof aan ab lahayn,aan taariiqdiisa la aqoon.
Abley (da) Qalab bir ka samaysan oo ragu dhexda ku xirto oo ku dagaalamo,tooreey,billaawe Ama “Amley”
Ab’ogaa:(ga)Dad dalka gudihiisa degganaa,aan gadaal ka imaad ahayn,waddani(iyo abaari keentay)
Aboodi (ga)haadka jaad ka mid ah oo wayn oo afka iyo lugaha iyo baalasha dhinacyadooda  guduudan.

Aboor (ka) cayayaan beelo beelo u dega oo dudumooyinka sameeya.

Abooto(da)hooyadaa hooyadeed ama abahaa,mocoowo,ayeeyo,2.fil wayn
Abooto idabbadis(ta) ayeeyo lug dheer.
Abqo (da) quraca iyo maraaga iyo geedaha la mid ah mirohooda (iniino badan oo yaryar oo ku gudajira galgal dherdheer oo laba qalbac oo kulkeey ingagaan furma)geydhe,mergiyaale.
Abraar(ka)Soo bood<meel dad badan ama dhir badan xoog ku marid.jibaax,majiir.

Abooto Idabadis (picture)

Abraarid(da) jibaaxid,majiirid,
Abris(ka) halaqa waa baayada leh jaad ka mid ah
2.halaqa duqoobay
Absaxan (ta) waalid, Isir.
Abshir (ta) Labo talo tan wanaagsan,tawfiiq 2-hadal Bishaaro ah.
Abti (ga)Hooyadaa walaalkeed.
Abtirsasho(da)Aabbeyaal iyo awoowayaal badan magac yadooda isku xiga sheegasho.
Abtirsiino(da) Abtirsi(ama abtirsiimo)

Abur xoor,Xunbo
Abuu maqas(ka)iskaanbe.
Abuur (ka) wax aan horay u jirin uumis, alkun, b,
Geed u baxahaya,docda uu lafta ama iniinta ku lee yahay, oo kolka la beero korta oo geed hor leg oo cusub noqda.laf ama iniin ama cad kasta oo geed hor leh noqon karta,firi.
Howsha la qabto kolka beerta abburka lagu rida hayo,2,sida loo uumay(farsamo,hab,qab)baxaali
Abuurcas(ka,ta) meseggada  jaad ka mid ah oo midabkeedu cas  yahay.
Abuurid(da) waxa aan horay u jirin uumid,curin,alkumid,jirsiin.dhalin,
ahaysiin.
Abuuris (ta)Uumis,jirsiin,dhalin,curis.
Abwaan (ka) qof  laamo badan  oo cilmi aqoon wayn ku leh ama u leh siiba dhaqanka iyo ilbaxa tolka,waaya arag,wax yaqaan,buuni,
2.buug ama buugag laamaha aqoontoo
dhami ku urursan yihiin.
Abwaanimo(da) Abwaan ahaansho,aqoon,tan abwaan u eg,lahaansho.
Abxad(da) Yaab iska garasho,yaabid,irkigid,ama kaagid,
Ashqararaarid.
Abyan: garasho ama dareen, wax   silan ama lala yaab,ay dhaliyeen, yaab,irkig,amakaag,ashqaraar./
Abaadi(da) Geed sal wayn iyo laamo yar yar leh oo buruqdiisa biyo badan  yahay.
Adaar biciid:nagaar aan qodax lahayn oo ka baxa balliyada iyo togogga,wuxuu lee yahay,miro,kuwa bunka u eg,dhirta dawadana waa ka mid.
Adab(ta)kolay yar oo wax lagu gurto.
Adag : Aan jilicsanayn,kakan
Adar:Dheri wayn,2.Qoolley.
Adayg(ga) Aan Jileec ahayn,qalayf.
Addeecid(da) Wax la Is faray yeelid,u hogaasimid,okobanaansho.
Addimid (da) Aadaanka Salaada ku dhawaaqid.
Addimid(da) Aadaanka Salaada ku dhawaaqid.
Addin (ka)lugaha iyo jeenyaha iyo gacmaha midkood,2.Ereyo yar oo lagu dheraysto oo dadka tukashada loogu yeeero (ama aandaan)
Addoon: (ka,ta) qof la leeyahay,bide,biddad.
Addoonimo(da) Addoon ahaasho.
Addoonsasho(da) Addoon ka dhigasho.
Addoonsi(ga)Addonsad.
Adduun(ka) Dhulka iyo waxa dagan,ifka lagu nool yahay,duni.
2.Maal,xoolo,hanti,Adduuniyo
Adduunyo(da)duni,Maal,xoolo,hanti.
Adeeg (ga)hawl,qabad.
Adeegsasho(da)how qabsasho,isu adeegid.
Adeege(ha)Hawl qabte,xoojiye,midiidin.
Adeegid(da) how cid u qabasho,
Adeegsasho(da)hawl cid ku qabsasho.
Adeer(ka) Aabahaa walaalkiis.
Adeeryo(da) goodirka dhedig.
Adi(ga)Adiga,aad,ku,kuu,
Qof lala hadlayo, ama wax loo qora hayo magacuyaalkiis.
Adiga(adi,aad,kuu,)qofka lala hadlayo, ama wax loo qora hayo magacuyaalkiisa.
Adkaan(ta)jileecdaro,qalafsanaan,
kakanaan.
Adkaansho:(ha) Adayg noqosho.
2,xoog,badnaansho,libaysaho,
quulaysasho.
Adkayn(ta) hawl,ka dhigid.
Adkaysasho(da) hawl dhib ah,xanuun adkaysi u lahaansho,dhabar adkaansho,duqaadasho.
Adkaysi:( ga)hawl dhibaato,xanuun,dhabar adayg u lahaansho.
Dulqaad.
Adooga(addog) adoogaa,-giis,geed,kd) Aabe.

Adyad  (da) gardaro,maag.
Af:  (ka)Xubinta nafleydu cunnada  ku cunto oo bushimaha iyo carrabka iyo ilkuhu ku yalliin.2,Ereyada iyo ulajoodooyinkooda,hadal dhan oo tol isku afgarto,
3.Dhinaca birtu  wax ka goyso.
Afaaf (ka) Meel furan, (xero, derbi, aqal) oo la galo ama laga baxo, illin, kadin, irrid.
Afagaal(ka,sha)toddobad xidigood oo raqaha,waxay u dhaxaysaa nuguushicad iyo naafacade
Afar (ta)Tirada seddexda iyo shanta u dhaxayso.
Afargees(ka,ta)Muug fidsan oo leh
Afargees oo toosan iyo afar dhinac oo is wada dherer leg.
Afarran(ka) Seddex kale oo badanaa la dhalay  weheliso oo afar ku tahay.
Afarrey(da) Gabay yar,shanley.
2(.shax) afar iska soo horjeeda oo hogi u dhaxayso, oo ka samaysan labo jare oo taaga. (isku dhici kara)
Afarsuule(ha)muruq afar suul ama afar madax leh,siiba muruqa ku yaal bowdada dhinaceeda kore,oo kolka uu isku rooro lugtu kala baxdo oo fidsanto,
Afartamaadan:(ka) tirada heerka afartanka ku abbaaran 40da ama Afartamaad, 2-xilli-roob oo hada ama qora, hadal qurux badan oo dadka aad u saameeya.
Afti: (da) arin ama qaanuun in la oggolaado ama la diido darteed dadaweynaha ama tolka loo bandhigo.farriin.
Aftin:(ta) 1 kobta banka iyo dhirtu dhinaca isafa hayaan oo labada laga gaari karo,iran
2.meel dihin oo aan la daaqin.
Aftoolin(ta) meel halis ah oo aan gabaad lahayn,cabsi,dhawr,goldaloosho,
Ama afdoolin.
Afuufan: Neef la galiyay,nafaysan,la afuufay, la buufiyay.
Afuufan:  Neef la geliyey, neefaysan, la afuufay, la buufiyey.
Afuufid(da) neef afka ka soo dayn,oo meel ama wax kale ku toosin.
Afuufo(da) neef afka ama wax kale.laga sii daayo.
Afweyn: (da)Riciraha tunka tan ugu  korraysa oo afka wayn.
Afxumo(da)Hadal xumo,cay,aflagaado,
Ama af xumo.
Afyaal (ka)1 madax, horfiiq,
2 qof soo dhawaynta dadka u qaabilsan
oodafo,dhacan,horgalka tusbaxa.
Afyaqaan(ka)  Af gaar ah yaqaan
2-cilmiga afafka aqoon u leh.
Af yar (ta) magac kalluun
Afyuun(ka) geed ubax la beero oo waxtar dawo iyo dhibaato wayn labadaba leh. Oo dhulka kulul ka baxa,wuxuu lee yahay dhacaan sida caanaha u cad ooo la engejiyay, oo loo shito,kartida ama maanka qofka halis ayuu saaraa, haddaan deg deg la isaga qabanna waa lala doorsoomaa oo lala dufoobaa ( sida xashiishka qaadka)
Ag (ta) Meel ku (ama u)dhow aan ka fogayn
Agaag(ga)dhowaan ama agaag
Agaagse (ha) qof wax badan helay,hilib lacag, wax yar oo uu u gooyo kii aan wax helin,ama laga qaado,xoolaha la soo dhaco, kd,waxa la baxsho,loog
Agaagsid(da) Agaagse bixin
Agaalli(da) xiddigo,nuguushi.
Agaasiman : la agaasimay
Agaasime(ha) Nin wax agaasima 2.ninka ka madaxda ah qaybaha taliska midood
Agaasimid (da) nin wax Maamulid,nidaamayn.
Agaasin(ka) hab wanaagsan ama si wanaagsan wax loo maamulo ama loo dhaqaaleeyo,ama loo arimiyo nidaam,maamul.
Agab: 1 wax tar ciirsi,Alaab
Agabbar(ka)layli,tababbar,jarayn,jebin.
Agagaar (ka) heer aan fogayn,dhinacyada ama agagaar.
Agan (ka) ceel biyo badan leh,banqi
2,cosob ama naq badan,aftin.
Agas (ka) cuno la raacsho qofka dhinto oo xabaasha agteeda lagu cuno.qori qaad.
Aglool (ka-sha) Habka weelka xoolayna
Hayo,gocoyonnida looga ba’sho,asal,dufan,kd layka karshey baa lagu rogrogaa,
Wax la dhisa hayo ama la samayna hayo,qaabintiisa iyo jaangooyadiisa hore,bilaw,unug, 3. Aqal KD la dhisi doono, astaanti iyo muuqaalki warqad KD ku muujin.
Agloolid (da) weel agloolid ku xoolayn 2,wax la samaynayo ama la dhisayo,jaan gooyo hore ama qaab hore u yeelid.bilaabid,unkid,warqad ku muujin.
Agool (ka) 1 holobta timaha salkooda ka dhalata,Astayn.calaamayn.
Agoon(ka) Ilamaha aan abbihiis noolayn.
Agoonimo(da) Agoon ahaan
Ahaan(ta) Noqod,ku sugnaan.
Ahaansho(ha) noqosho,si kd ku sugnaansho
Ahaysiin (ta) wax aan jirin, wax jirta ka dhigid, abuurid, uumid, 2.dhab ama run ka dhigid, 3 si ama wax ka dhigid,ka yeelid
Ahmin (ka) ishkinka iyo ariga shilis, jar ama ahmi
Ahmiyad(da)u  jeedo ama saamayn wayn
Ajal(sha) waqti dhamaadkii
2.waqtiga dhimashada
Ajalid(da) waqti dib u dhigid,
2 geeri ku keenid,dilid.
Ajar (ka)() samo fal abaalgudkiis xagga ilaahay laga helo.
2. Ajarid

Ajarid (da) dhib gaarsiin,wax yeelid,dhagrid,dagid.